3:16 pm - Friday January 20, 6733

Gareth Bale Oo La Xaqiijiyey In Uu Dhaawac Ku Maqnaan Doono Ciyaarta Atletico Madrid

218 Viewed Abdiwahab Ahmed Comments Off on Gareth Bale Oo La Xaqiijiyey In Uu Dhaawac Ku Maqnaan Doono Ciyaarta Atletico Madrid

bALESida ay qortay jariidada Marca ee ka soo baxda dalka Spain, weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Gareth Bale ayaa ka maqnaan doona ciyaarta Champions League ee ay Arbacada wada ciyaari doonaan Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Wargeyska Marca oo aad ugu dhuun daloola xaaladda Real Madrid, inta badanna baahiya wararka kooxdaas, ayaa waxa uu sheegay in ay hubaal tahay in Bale aanu awoodi doonin in uu kooxdiisa u ciyaaro lugta labaad ee Champions League ee ay Real garoonkeeda ku martigelin doonto Atletico Arbacada toddobaadkan, kadib markii uu muruqa hoose ee lugta bidix uu ka dareemay xanuun badan, kaas oo u diiday in uu ciyaarta sii wato.

Bale ayaa laga saaray garoonka daqiiqaddii 5aad ee bilowga ciyaartii xalay dhex martay Real Madrid iyo Malaga, taas oo sidoo kale uu ku dhaawacmay xiddiga khadka dhexe ee Luka Modric oo lix toddobaad garoomada ka maqnaan doona.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Chelsea Oo Xalay Qabatay Xaflad Lacag Loogu Ururiyey Carruurta Afrika

Soomaaliya oo isu diyaarinaysa Ka Qayb Galka Koobka Afrika ee 2019

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com