Gareth Bale Oo Markii U Horreysay Ka Hadlay Dhaawaca Haleelay Iyo Ballan-qaad Uu Sameeyey

bale

Sawirro uu ka qaaday lugtiisa oo kor u deldelan ayuu Gareth Bale ku baahiyey bartiisa bulshada, waxaana uu niyadda u dhisay taageereyaasha Real Madrid oo uu u sheegay in uu si degdeg ah u soo noqon doono marka uu kasoo kabto dhaawaca kuraanta ka gaadhay ee Salaasada qalliinka lagaga samayn doono.

Gareth Bale ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo afar bilood ah, taas oo sidoo kalena la sheegayo in haddii dedaal dheeraad ah la sameeyo lagu soo gaabin karo laba bilood.

Bale ayaa farriinta uu soo saaray, waxa uu ugu mahad-celiyey dadka farriimaha usoo diray iyo inta u ducaysay, waxaanna uu qoraalkiisa ku yidhi: “Waad ku mahadsan tihiin farriimihiina, kuraantuna way i fiican tahahay, dedaalkaygoo dhan ayaan isugu geyn doonaa si aan usoo laabto.”

Bale ayaa dhaawacmay ciyaartii Salaasadii ee Champions League ay Real Madrid iyo Sporting CP, waxaana qalliin lagu samayn doonaa Salaasada cusbitaal ku yaalla magaalada London.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Rooney Oo Rikoodh Dhigay Kulan United Xasuuqday Feyenoord

Ibrahimovic Oo Difaacay Waxqabadka Wayne Rooney

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com