1:25 pm - Saturday June 24, 2017

Real Madrid oo Hanatay Copa del Rey Iyo Gareth Bale Oo Sida Faraska U jiidhay Barca

Aidarous

Ciyaaryahanka qiimaha sare ku soo gallay Real Madrid ee Gareth Bale ayaa sida faraska u dhaafay difaaca dhulka ku dhegan ee Barcelona,  Real Madridna u horseeday Horyaalnimada Copa del Rey ee wadanka Spain.

madrida cusub

Madrid 1 madrid 2 madrid 3 madrid 4 madrid 5 Madrid

Ciyaartii darbiga ahayd ee Finalka koobka labaad ee wadanka Spain oo Barcelona iyo Real Madrid ku dhex martay garoonka Mestalla ee  magaalada Valencia ayaa si mucjiso ah waxay guushu ugu raacday kooxda Madrid 1-2.

Madrid ayaa ku horeysay goolka dhalinta , waxaana goolkii furitaanka u saxeexay laacibka reer Argentina ee Di Maria .

Laakiin Barcelona ayaa la timid goolkii barbardhaca kadib markii gool madax ah uu shabaqa dhigay xidiga difaaca ee Marc Bartra.

Layaabku wuxuu dhacay . kubad uu badhtanka garoonka oo cidhif ah ka qaatay Bale markii la waayay cid ka celisa oo orod ku gaadha sidii uu ula sii socdayna uu daba mariyey goolwade Pinto daqiiqadii 85 aad ee ciyaarta.

Madrid ayaana loo caleemo saaray kooxda Horyaalka Copa del rey ee wadanka Spanishka.

  ay

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Mazut Ozil Oo Ku Soo Noqday Tababarka Arsenal

Xidigaha Reer Brazil ee Chelsea Oo Ay Kulmisay Xaflada Dhalashada Ramires Inankiisa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: