Gareth Bale Oo Taageerayaal Cadhaysani Weerareen

Baabuurka ciyaaryahan Gareth Bale ayaa weerar culus waxaa ku qaaday taageerayaal cadhaysan oo kooxda Real Madrid ah kuwaas oo daba socday guuldarada kulankii El Clasico ee ay Barcelona habeenkii Axada dhulka jiid jiiday.

Ciyaaryahanka aduunka ugu qaalisan ayaa waxaa soo hujuumay taageerayaal isagoo markaas ka soo baxay garoonka tababarka kooxda Madrid ee Valdebebas training base kadib guuldaraddii 2-1 ka ahayd ee ay kooxdiisu kala kulantay Barcelona taas oo ay 4 dhibcood oo nadiif ah hogaanka kaga goosatay kooxda ay ficiltamaan.

Weerarku markii uu qabsanayay Bale oo ay taageerayaasha qaarkood gacanta saareen baabuurka uu sii fuulayay ciyaaryahanku, ayaa waxaa kale oo ay garaacis iyo burburin ku bilaabeen gaadhiga qaaliga ah ee laacibka, halkaas oo ay xidigaha ay isku kooxda Madrid u wada ciyaaraan ee Jese iyo Sergio Ramos iyagana sidoo kale lagu weeraray.

Ma jiro khasaare la sheego oo ciyaaryahanada ka soo gaadhay dagaalkaas ay kala kulmeen qaar kamid ah taageerayaashooda ka xanaaqay guuldarada El Clasico.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

FA oo ganaaxaya Martin Skrtel

‘Mo Farah Maaha Yurubiyaan Guushiisuna Waa Mid Uu Ka Gaadhay Somalia’

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com