Garoonka Atletico Madrid Oo Marti Galin Doona Kam Danbeysta Copa Del Rey

Garoonka Wanda Metropolitano ee kooxda Atletico Madrid ayaa 21-ka bisha April marti galin  doona ciyaarta kama danbeysta tartanka Copa Del Rey oo ay wada ciyaari doonaan Barcelona iyo Sevilla.

Kooxda difaacaneysa tartanka Copa Del Rey ee Barcelona ayaa diiday in ciyaarta kama danbeysta tartankaasi lagu ciyaaro magaalada Andalusia iyadoo diidamadaasi sababo fara badan u cuskatay.

Kadib go’aaankii diidamada ahaa ee ka yimid kooxda Barcelona gudiga fulinta ee xiriirka kubada cagta Spain ayaa kulan ka yeeshay arintaasi waxaana ugu danbeyn la go’aamiyay in  ciyaarta kama danbeysta Copa Del Rey lagu ciyaaro garoonka Wanda Metropolitano.Atletico Madrid's Wanda Metropolitano stadium to host this season's Copa del Rey final

 

Garoonka Atletico Madrid ayaa wuxuu qaadaa ilaa taagerayaal dhan 67,000 koox waliba oo ku ciyaareysa garoonkeeda ayaana la sheegay in heli karto ilaa 22,00 oo ah kaararka lagu daawado ciyaarta bisha April ee soo aadan ayaana garoonkaasi ay ku balansanyihiin kooxaha Barcelona iyo Sevilla.



Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.