Garoonka Camp Nou Oo Margelin doona Faynalka Copa del Rey

Camp NouGaroonka Barcelona ee Camp Nou ayaa loo doortday in uu martigeliyo ciyaarta faynalka Copa del Rey ee 30-ka May dhex mari doonta Barcelona iyo Athletic de Bilbao.

Warkan oo lagu shaaciyey war-saxaafadeed uu soo saaray Antonio Suarez Santana oo ah madaxa xidhiidhka kubadda cagta Spain ee RFEF, ayaa waxa uu sheegay in cod loo qaaday garoonka marti-gelin doona ciyaartan ay xubnihii xidhiidhka ee fadhiyey madashii kala-xulashada garoomada ay tiro bateen kuwii u codeeyey Camp Nou.

Garoonka Bilbao ee Dan Mames ayaa helay 18 cod halka uu garoonka Barca ee Camp Nou ka helay 26 codadkii la dhiibtay. Codbixinta oo marba qaar ka mid ah garoomada cod loo qaadayay ayay garoomada Sevilla iyo Valencia ku hadheen wareeggii koowaadba.

Xidhiidhka ayaa door-bidayey in ay garoonka Real Betis ee Binto Villarin Stadium oo qaada 52,500 qof uu martigeliyo ciyaartan hase yeeshee markii dhinac walba laga eegay ayay soo baxday in ay dhici karayso in ay yaraadaan Hudheellada la seexdo taasina ay dhibaato ku noqonayso ciyaartooyada iyo taageereyaashaba.

Garoonka Real Madrid ee Bernabeu oo ay ahayd in ciyaartan lagu qabto ayay masuuliyiinta kooxdaasi diideen in garoonkooda la keeno ciyaartaas, waxaanu xidhiidhku tixgeliyey sharciga kooxaha u ogolaanaya in garoomadooda aan lagu qaban karin ciyaar aanay dooneynin.

Garoonka Mastella ee Valencia iyo Benito Villamarin oo ay leedahay Betis ayay Barcelona iyo Bilbao ku kala dhageen oo midkoodba mid doortay in lagu qabto ciyaarta, iyadoo waliba labada garoonba ay isku masaafo u jiraan labada magaalo ee ay labada kooxood ka kala dhisan yihiin. Kaddib markii ay heshiis ka gaadhi kari waayeen labada kooxood labadan garoon, ayuu xidhiidhku cod u qaaday waxaana meesha soo galay garoonka Camp Nou oo qaada 98,787 taageere ah, go’aankii ugu dambeeyeyna waxa uu noqday in garoonkaasi marti-geliyo ciyaartaas.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Angel Di Maria Iyo van Gaal Oo Ku Sigtay In ay Gacan Isula tagaan

Carlo Ancelotti Oo Gaashaanka Ku dhuftay dalab uga yimid Manchester City

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com