Garsooraha dhexdhexaadin doona kulan adag Ee Liverpool iyo Chelsea Oo la shaaciyey

Garsoore Martin Atkinson ayaa loo magacaabay inuu dhexdhexaadiyo kulanka u dhexeeya Liverpool iyo Chelsea ee Axadda ka dhici doona garoonka Anfield.

Atkinson, oo markiisii ugu horreeysay loo magacaabay inuu dhexdhexaadiyo Champions League sannadkan ayaa loo gacan galiyey dhawr kulan oo taariikhi ah xilli ciyaaraadkan inuu garsoore ka noqdo.

Sidoo kale Atkinson wuxuu dhexdhexaadiyey kulankii Final-ka ee Capital One Cup oo u dhexeeyey Manchester City iyo Sunderland.

43-sano jirkan ayaa dhaleeceyn la kulmay markii gool aan dhalan uu ku abaal-mariyey kooxda Chelsea semi-final-kii FA Cup oo ay la yeesheen Tottenham sannadkii 2012-kii, markaasoo Chelsea ay 1-0 ku adkaatay ciyaartii ka dhacday garoonka Wembley.