1:20 pm - Saturday June 24, 2017

Garsooraha iyo Messi ayaa Guusha U Horseeday Argentina : Tababaraha Iran, Queiroz

Aidarous

Tababaraha xulka qaranka Iran coach Carlos Queiroz ayaa weeraray garsoore Milorad Mazic kuna eedeeyey guuldaradii 1-0 ka ahayd ee xulkiisa ka soo gaadhay Argentina kulankii ay xallay ku wada ciyaareen Belo Horizonte.

“Hadalka guntiisa,laba qof ayaa ciyaarta isbedelka ku sameeyey. ka koobaad wuxuu ahaa Garsooraha ka labaadna Lionel Messi,” ayuu saxaafada ku yidhi tababare Queiroz.

“Go’aan cadaalad ah ayaan u baahnayn. Garsooruhu dhowr mitir oo kaliya ayuu u jiray, waa loo sheegay inay xanaaqad ahayd, laakiin waxba ma samaynin.

“Arinka ugu xumi wuxuu ahaa liidashada garsooraha iyo go’aan jileeciisa. Waan ku hanweynahay ciyaaryahanadayda.”

Si kastabase ha ahaatee, tababare Queiroz wuxuu intaas raaciyey weedho uu ku amaanayo Messi goolkii quruxda badnaa ee uu xulkiisa ka dhaliyey.

“SI aad u noqoto xidiga aduunka ugu fiican, waa inaad binu aadam qiimo badana noqotaa sidoo kale.

“Maanta (shalay), waxaanu aragnay Messi tayadiisa ciyaaryahanimo inta ay leeg tahay. Madashii ayuu ruxay markii ay u baahnayd .”

Iran ayaa imika fadhida kaalinta saddexaad ee Group ka F, hal dhibic oo kali ahna ka kasbatay laba ciyaarood oo ay ciyaartay.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Germany Oo Hor Istaagtay Safarkii Ghana

Sulley Muntari Oo Fuqarada Reer Brazil Lacag U Qaybiyey ( Video )

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: