Garsoore Argentini Ah Oo Lagu Ganaaxayo Go’aan Adag Oo Uu Ku Fuliyey Dib-u-Milicsiga Muuqaalada Tv-yada

Mid kamid ah garsoorayaasha ugu heerka sareeya wadanka Argentina, ayaa baadhitaan lagu hayaa , lagana yaabaa in ciyaaraha laga ganaaxo kadib markii uu go’aan ah kaadhka casaanka ah iyo rigoodhe uu dhigay ku qaatay dib u celinta muuqaalada ee shaashadaha Telefishanada, ciyaar dhex maraysay kooxaha horyaalka heerka 1 aad ee wadanka Argentina ee Velez Sarsfield iyo Arsenal.Garsoore Argentini Ah
Garsoore German Delfino ayaa rigoodhe ku abaal mariyey kooxda Velez Sarsfield kadib kubad gacan ah oo uu ku qaaday xukunkeeda ciyaaryahan Daniel Valencia inuu taabtay isagoo diilinta ganaaxa ku jira, xidiga naadiga Arsenal-na kaadhkii labaad oo huruud ah ee ciyaarta dhexdeeda la siiyo u taagay.
Si kastaba xaalku ha ahaadee, go’aanka ayaa isbedelay markii uu callan wadaha koobaad ee ciyaarta oo ahaa Ivan Nunez oo dib uu kamaraman agtiisa taagnaa shaashada kamaradiisa ka daawaday dib u celintii dhacdada, arin kii hore ka duwana ku wargeliyey garsoore Delfino oo ay kuwada xidhiidheen aalada maqal gudbiyaha ah ee dhagaha u sudhan.Garsoore Argentini Ah Oo La Ganaaxayo

Callanwadaha ayaa markii uu dib u daawaday muuqaalka, waxa uu garsooraha u sheegay in ciyaaryahanka kubadu gacanta kaga dhacday ahaa weeraryahan Mariano Pavone oo kaga gudbanaa garsooraha toosna ula sinaa laacibka ganaaxa khaldani ku dhacay, wuxuu garsoorihii gebi ahaanba meesha ka saaray rigoodhihii, waxaanu dib ugu soo celiyey garoonka ciyaaryahankii kaadhka casaanka ahaa la siiyey ee Valencia, arintaas ayaa sababtay khalkhal iyo muran buuq xambaarsan oo garoonka ka dhex dhaca.Garsoore Argentini Ah Oo La Ganaaxay
Garoorahan oo loo tix-galiyo ka ugu fiican wadanka Argentina ,ayaa lagu haystaa go’aanka uu ka noqday , isagoo lagu eedaynayo inaanu maskaxdiisa kaga tanaasulin ee uu raacay ku celinta muuqaalada Telefishanka.
In kasta oo ciyaartu kadib buuqaas sii socotay , waxaa markale casaan loo taagay ciyaaryahankii garoonka dib ugu soo noqday kadib markii uu ciyaarta dhexdeeda xanaaqad uu sameeyey kaadh labaad oo u huruud ah lagu siiyey, ciyaartana waxaa 2-1 ku badisay naadiga Velez.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Turkish Super Lig Oo Todobaad Ciyaarihiisa La Hakiyey Kadib Toogashadii Fenerbahce

Zidane Oo Xaqiijiyey In Real Madrid Ay Si dhow ula socoto Xaaladda Raheem Sterling

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com