3:03 pm - Friday August 23, 5467

Garsoorihii Dhexdhexaadiyey Kulankii Chelsea Vs Arsenal Oo Raaligelin Bixiyey Iyo Gunners-ka Oo Rafcaan Qaatay

Abdiwahab Ahmed

Garsoorihii dhexdhexaadiyey kulankii ceebta weyni ka raacday Arsenal ee ay Chelsea ku garaacday 6-0, ayaa raali gelin ka bixiyey kaadhkii casaa ee uu u taagay Kieran Gibbs.
Garseoore Andre Marriner ayaa khalad sameeyey markii uu kaadhka cas u taagay Gibbs, halkii uu ka siin lahaa Oxlade-Chamberlain, taas oo keentay muran yar oo dhex maray garoore Andre Marriner iyo Chamberlain naf-ahaantiisa oo u sheegayay in Gibbs uu beri ka yahay dembiga kaadhka cas lagu siiyey, ninka dembiga sameeyeyna uu isaga yahay.
Garsooraha ayaa warbixin uu soo saaray ciyaarta kadib, waxa uu raaligelin ka bixiyey khaladkaas, waxaanu ku yidhi warbixintiisa “In la isku qaldo laba ciyaaryahan waa dhacdo nadir ah, waxaana sabab u noqda arimo farsamo. Inkasta oo uu go’aanku ahaa mid adag, Abdre waa uu ka xun yahay inuu ku guuldaraystay inuu casaan siiyo ciyaaryahankii mudnaa”.
Warbixinta waxa lagu sheegay in markii uu garsoore Andre ogaaday khaladka uu sameeyey uu raalli-gelin siiyey kooxda Arsenal.
Dhinaca kale, kooxda Arsenal ayaa rafcaan ka qaadatay kaadhka cas ee lagula khaldamay laacibkooda baasha bidix ee Gibbs, kaas oo ay ambiilkiisa u gudbiyeen xidhiidhka FA.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Mourinho Oo Sheegay Inay Sadaqo Bixin Doonaan Haddii Ay Ka Badiyaan PSG

El Clasico – Xogo Badan Oo Aad U Baahan Tahay Inaad Ogaato Ka Hor Ciyaarta Madrid Vs Barca

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: