George Groves vs Chris Eubank Jr: Maalinta Ay Feedhtami Doonaan Oo La Muddeeyey

Labada feedhyahan ee George Groves iyo Chris Eubank Jr oo u wada dhashay waddanka Ingiriiska ayaa la muddeeyey maalinta ay isku faro saari doonaan dagaalka feedhka aadka loo sugayo.

Groves oo bishii hore dhulka ugu tuuray Jamie Cox wareegii afraad ayaa rajaynaya inuu u gudbo finalka taxanaha feedka ‘World Boxing Super Series’ oo lagu qaban doono magaalada London oo ah halka uu kasoo jeedo. Laakiin, waxa ka horreeya jid dheer oo ah in uu dhiiggu qulqulo ka hor inta aanu hammigaas rumaynin ama ku guul-darraysanin. Waxa sugaya oo ay Chris Eubank Jr oo bishii October ugu tuuray Avni Yildirim oo u dhashay waddanka Turkey dagaal ka dhacay Germany.

Labadan feedh yahan ayaa loo iclaamiyey inay is faro saaraan bisha February ee sannadka 2018, laakiin waxa uu wali hadal ka taagan yahay in lagu qaban doono magaalada London iyo in Manchester loo wareegi doono.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Rakitic Oo Mugdi Geliyey Mustaqbalka Lionel Messi Ee Barcelona

Chelsea Oo Sida Daadka U Jiidhay Qarabag, Una Gudubtay Wareegga 16-ka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com