Gerrard – Anigaa Ka Masuul Ahaa Guuldarada Kooxda

LIVERPOOL, England (Cadaool) — Ciyaaryahanka khadka dhexe kooxda Liverpool uga ciyaara ee Steven Gerrard ayaa madaxa saartay guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Manchester United , sheegayna in khalad uu sameeyey uu ka masuul ahaa khasaaraha naadiga ku qabsaday garoonka Anfield.Man United oo ku tumatay Liverpool 5

Gerrard oo kulanka ku bilaabay kursiga kaydka ayaa lagu bedelay Adam Lalana bilowga qaybtii dambe ee ciyaarta, ciyaarta oo maraysa 0-1 uu United u dhaliyey Juan Mata, waxaase nasiib darro noqotay inuu dib uga soo baxay garoonka isagoo aan ku jirin mudo daqiiqad ah kadib markii kaadhka casaanka ah loo taagay xanaaqad uu sameeyey darteed.

Ciyaartu markii ay dhamaatay , waraysi kooban oo uu warbaahinta Siiyey kabtan Steven wuxuu ku qirtay inuu masuuliyada guuldaradaasi isagu lahaa, wuxuuse diiday inuu wax ka yidhaahdo go’aanka garsoore Martin Atkinson uu casaanka degdega ah ku siiyey.

“Waa innaan aqbalaa, go’aankuna mid sax ah ayuu ahaa,” ayuu ku yidhi Sky Sports. “Waxaan ku kalifay ciyaaryahanadayda iyo tababarahaba in laga guulaysto maanta, waxaana ka sii muhiimsan inaan sheego inaan xataa Taageerayaasha madaxooga hoos u dhigay, sidaas darted waxaan qaatay masuuliyadii guud ee guuldaradu inay khalad kayga ku timid.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Daqiiqadihii Waalida Gerrard – Man United Oo 10-nin oo Liverpool ah Karbaashtay

prev-next.jpg

Muxuu Ancelotti Ka Yidhi Guul-Darradii Real Madrid Ku Habsatay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com