Gerrard Oo difaacay Rooney kuna Tilmaamay hadalkii Paul Scholes Mid meel ka dhac ah

Kabtanka Xulka qaranka England Steven Gerrard ayaa rumeysan in Paul Scholes ku qaldan yahay inuu yidhaahdo weeraryahanka Manchester United Wayne Rooney markii hore ayuu ka wanaagsanaa sida uu haatan yahay. Scholes ayaa su’aal culus ka keenay qaab ciyaareedka xiddigii hore ee isku kooxda ahaan jirayn, inkastoo 28-jirkan xilli ciyaareedkii dhamaaday 19 jeer shabaqa soo taabtay dhamaan tartamada.

Laakiin kabtanka kooxda Liverpool iyo xulka qaranka Three Lions ee Steven Gerrard ayaa difaacay Rooney, kaasoo labadii koob adduun ee kan ka horeysay ku fashilmay inuu shabaqa soo taabto, waxuuna Gerrard sheegay in xilligaas uu ciyaaryahanka qabay dhaawacyo, balse carabka ku dhuftay inuu noqon doonto shumaca ifin doona Brazil “Paul Scholes wuu u gefay Rooney. Waxuu ahaa xiddigii ugu fiicana Manchester United haddii ay noqon lahayd gudaha iyo yurub. Waxuuna qaab ciyaareedkiisana ahaa mid wanaagsan,” ayuu Gerrard yidhi :Maxaan arkay wax qabadkiisii koooxda Manchester United, qaab ciyaareedkiisa waxuu ahaa runtii mid wanaagsan.”

 Si kastaba, hadaladaan ayaa imaanaya xilli kulamada ugu soo horeeya ee koobka adduunka ay England wajihi doonto xulalka Uruguay, Italy iyo Costa Rica oo ay kuwada jiraan Group D.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

War cusub: Tababare Arsene Wenger oo Ogolaaday in saddax sanno uu sii joogo kooxda Arsenal

Koox si ay niyadda ugu dhisto laacibiinteeda sheeko la yaab leh ku dhaqaaqday!

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com