Getafe Oo Lugaha Iskaga Duubtay Barcelona, Messi & Asxaabtiisa Oo Markii U Horreysay Gool Dhalin Waayey Iyo Atletico Oo Soo Dhowaatay

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa kulankeedii koowaad xili ciyaareedkan horyaalka LaLiga garoonka ka baxday iyadoon shabaqa taaban.

Ciyaar aad u adkayd oo Barcelona ay garoonkeeda Camp Nou kusoo dhoweysay naadiga Getafe oo dedaal badan samaysay ayaa waxay dhibcaha ku qaybsadeen 0-0.

Ciyaartan oo ay Barcelona u safteen Philippe Coutinho iyo Lionel Messi oo afka hore uu ku saddexeeyey Luis Suarez, ayaa waxa garoonka kusoo laabtay qaybtii dambe Ousmane Dembele oo dhaawac wakhti dheer ah kasoo laabtay, hase yeeshee, dhamaantood waxa u babbac dhigay goolhaye Vicente Guaita oo ahaa halyeyga ciyaarta, kaas oo xagaagii kaga soo biiray naadiga Ingiriiska ah ee Crystal Palace.

Yerry Mina oo u dhashay waddanka Brazil oo Barcelona ay xagaagii kasoo kaxaysay Latin America ayaa kulankiisii u horreeyey ee horyaalka saftay, waxaana uu goolka la beegsaday kubbado madax ah iyo difaac adag oo uu kala hor tegay laacibiinta Getafe.

Getafe oo halgan ku jirtay bilow illaa dhamaadkii ciyaarta, ayaa qaybtii hore waxay samaysay fursado badan iyadoo ay ku dhowaadeen inay dhawr gool dhaliyaan, gaar ahaan Vitorino Antunes oo laag xor ah uu dirqi kaga badbaadiyey goolhaye Marc-Andre ter Stegen.

 

Barcelona waxay toddoba dhibcood ka sarraysaa Atletico Madrid oo kaalinta labaad ku jirta, laakiin Real Madrid ayaa ay ka sarraysaa 17 dhibcood.