Xulka Ghana Oo Ugu Gudbay Finalka Koobka Afrika Ciyaar Mashaqo Hadhaysay

Xulka Ghana ayaa ku durduriyey oo kaga adkaatay qarankii marti galliyey koobka qaramada qaarada Afrika ee Equatorial Guinea 3-0 sidaasna isaga xaadiriyey ciyaarta finalka.
Ciyaaryahanada lagu naanayso Xidigaha madow oo uu tababare u yahay macalinkii hore ee naadiga Chelsea Avram Grant ayaa qaybtii horeba 2 gool u dhiibay Equatorial Guinea oo midka hore rigoodhe yahay, waxaanay goolka saddexaad raaciyeen qaybtii dambe oo sidii ay u dhamayd mashaqo, buuq iyo shiid ay abuureen taageerayaasha xulka martida loo ahaa ka socon weyday.

Halkan Ka Akhrisho Warbixin Aan Idiinka Diyaarinay Rabshadihii Dhacay

Goolasha Ghana ayaa waxa u kala saxeexay Jordan Ayew, Mubarak Wakaso iyo Andre Ayew laakiin wixii intaas ka dambeeyey ciyaartiiba waa la joojiyey waxaana aakhirkii ay ku dhamaatay 3- 0 ay ku gudbeen Ghana.

Ciyaarta Finalka qaramada qaarada Afrika oo Ka sokow Ghana ay hore u sii sugeysay Ivory Coast ayaa la ciyaari doonaa Maalinta Axada ah ee fooda inagu soo haysa