9:39 pm - Saturday July 22, 2017

Giggs, Coleman Iyo Pardew Oo U Tartamaya Tababarenimada Swansea City

Abdiwahab Ahmed

Ruug caddaagii Manchester United ee Ryan Giggs iyo tababaraha Wales, Chris Coleman ayaa hoggaainaya murashaxiinta la filayo inay tababare u noqdaan Swansea City oo Isniintii shaqada ka caydhisay tababaraheedii Bob Bradley oo 85 maalmood xilka hayey, kaddib markii ay kooxdu kaalinta 19aad kor uga soo kici weyday.

Giggs oo 43 jir ah ayaa laba jeer waraysi shaqo ay ka qaadday Swansea, ka hor intii aan la magacaabin Bradley bishii October.

Ragga kale ee u tartamaya in ay shaqadan qabtaan, wax aka mid ah Nigel Pearson, tababarihii hore ee Crystal Palace, Alan Pardew iyo Macallinkii hore ee Birminghan City ee Gary Rowett.

Lama filayo in Swansea ay tababare cusub magacowdo ka hor ciyaarta Bournemouth ee maalinta sannadka cusub ka horreysa, waxaana si ku-meelgaadh ah xilka usii haynaya Alan Curtis iyo Paul Williams.

Bradley ayaa la eryey Isniintii markii ay West Ham United ku karbaashtay 4-1, taas oo noqotay ciyaartii toddobaad ee 11 kulan oo uu layliyey oo laga badiyey, waxaana kaliya uu guuleystay intii uu joogay laba kulan, halka laba kalena uu barbar dhac galay.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Xidhiidhada Dunida Oo Taageeray In La Kordhiyo waddamada Koobka Adduunka Ka Qayb-geli doona

Diego maradona

Maradona: Real Madrid V Napoli Miyey Maanta Noqdaan

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: