8:17 am - Saturday August 19, 2017

Giggs Oo Kulankii Koowaadba United Guul Weyn Gaadh siiyey Iyo Ferguson oo La Damaashaaday

Aidarous
Giggs Oo Si Xamaasad Leh Ku Bilaabay Kulankii Ugu Horeeyey Isagoo Tababare Ah

Giggs Oo Si Xamaasad Leh Ku Bilaabay Kulankii Ugu Horeeyey Isagoo Tababare Ah

Tababaraha ku meel gaadh ka ah ee kooxda Manchester United Ryan Giggs ayaa kulankiisii ugu horeeyey ku daah furay qaab ciyaareed cusub kaas oo horseeday inay guul 4-0 ah kaga talaabsadaan kooxda Norwich ciyaar caawa ku dhex martay labada naadi garoonka Old Trafford.

Giggs oo Kiciyey dareenka Taageerayaasha kadib markii uu Guul fiican keenay

Giggs oo Kiciyey dareenka Taageerayaasha kadib markii uu Guul fiican keenay

Weyne Rooney ayaa laba gool oo isku xiga kala dhaliyey qaybtii hore iyo qaybtii dambe ee ciyaarta , halka Juan Mata oo bedel ku soo gallay uu isna labada gool ee kale ku caawiyey United.

Rooney oo u dabaal degaya koolkii kowad ee ciyaarta

Rooney oo u dabaal degaya koolkii kowad ee ciyaarta

Manchester United oo eriday tababareheedii hore todobaadkii dhamaaday dhexdiisii , kadib markii ay ka bixi weyday xaalad adag , ayaa Giggs u magacawday tababaraha ku meel gaadh ka ah ee naadiga.

Rooney oo shabaqa ku hubsanaya goolkii labaad Giggs ayaa ka bilaabay shaqada Old Traford ee tababare nimo kadib marki la eryay David Moyes UnitedTababarihii guulaha badnaa ee Manchester United , Sir Alex Fergusson oo isna madasha ciyaartu ka dhacaysay , tijaabadana uu ku marayay Ryan Giggs fadhiyey ayaa qosol iyo farxad is hayn kari waayay kadib markii Rooney goolka labaad dhaliyey , waxaanay kamaraduhu qabanayeen Duqa ruug cadaaga ah oo damaashaadaya.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Luis Suarez Iyo Martin Skrtel Oo Ku Dhex Dagaalamay Garoonka Tababarka

Ryan Giggs Oo Sheegay Inaanu Seexan Habeenkii xallay ahaa oo dhan —- Tolow maxaa saamaleelka keenay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: