6:53 pm - Monday August 21, 2017

Giggs Oo Isu Diyaarinaya Kulankiisii Ugu Horreeyey Ee Uu Tababare U Yahay Man United

Abdiwahab Ahmed

Tababaraha cusub ee kooxda Manchester United, Ryan Giggs ayaa isu diyaarinaya kulankiisii ugu horreeyey ee uu tababare u yahay kooxda Manchester United oo xilkaas u cumaamadday markii shaqada laga caydhiyey Moyes.
Shir jaraa’id oo uu maanta oo Jimce ah ku qabtay hoolkii uu shirarka ku qaban jiray tababarihii halyeyga u ahaa kooxda ee Sir Alex Fergusson, ayaa waxa uu macallinka ku cusub laylyiddu ku sheegay in kooxdiisu ay ku ciyaarto qaab ku dhisan weerar, kaas oo aanu waxba ka bedeli doonin, isla markaana uu ku kalsoon yahay in waxa ay ciyaartooyadu ku sameeyaan xerarada tababarka ay la tegi doonaan garoomada oo ay wacdaro dhigi doonaan.
Tababare Giggs, wuxuu sheegay in kulanka Norwich ee toddobaadkan ay kooxdiisu isku muujin doonto, laakiin wuxuu xaqiijiyey war aanay taageereyaashu doonaynin in ay maqlaan oo ah inay kooxda ka maqnaan doonaan Van Persie iyo Rafael.
“Waan idinku kalsoonahay, waan ogahay inaa awooddaan, taageerayaasha in lasiiyo waxa ay ka hadlayaan, Goolal la dhaliyo iyo difaac la sameeyo waa wixii aad samaynayseen tababarka gudihiisa.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Falsafada United waa weerar, waxaannu haysanaa ciyaaryahanno awood u leh”.
Kulanka Sabtida ee Norwich, waa fursadda ugu horeysa ee uu isku muujin karo, waxaanu Giggs tibaaxay in wakhtiga ciyaarta ka hadhay ku dheer yahay oo uu jeclaan lahaa inuu intaa ka soo horreeyo , waxaanu yidhi “Waan ku faanayaa, waan faraxsanahay, xoogaa waan welwelsanahay waayo waan sugi la’ahay in Sabtida aan kusocdo garoonka, meeshuba way ruxmi doontaa, taageereyaashuna garabkayaga ayey istaagi doonaan, kooxdu waxay qaadatay toddobaad fiican, waxay u egyihiin kuwo dhaarsan, waa sida inaan ahay ciyaaryahan oo kale”.
Ryan Giggs wuxuu intaa kadib ka hadlay qaab ciyaareedka kooxdiisa oo uu xusay in kulanka Sabtida ay seegi doonaan Rafael iyo Van Persie, waxaanu yidhi “Wuxuu isiiyey Fursadeydii ugu horeysay ee tababare, waxaan rabaa inaan idin dareensiiyo heer aan kufaanayo inaan tababaro kooxda afarta kulan ee hadhay, kooxdu waxay itaageertay noloshayda oo dhan, waxaan kooxdan joogay muddo 25-26 sano ah. Malaha waa waqtiga iigu fiican ee aan kufaani karo xirfadayda, waxaan ku raaxaysan doona labada todobaad iyo badhka ka hadhay xilli ciyaareedkan, waxaan rabaa inaan farxadda kusoo celiyo wajiyada taageerayaasha”.
Giggs waxa uu sheegay in qaab ciyaareed isaga u gaar ah uu kooxda ku ciyaarsiin doono, isla markaana uu wada tuuri doono nidaamyadii hore ee ay macallimiintii ka horeysay ku ciyaarsiin jireen kooxda. “Waxay noqoneysaa falsafadeyda, Falsafada Man United, waxaan doonayaa in ciyaartoydu ku ciyaaraan xamaasad, xawaare, iyo kubad khiyaali ah, intaas ka hor waa inay ku raaxaystaan ciyaartoygu, Old Trafford ayaan ku ciyaari doona saddexda kulan ee noo hadhay, waa meesha aan ku liidanay, waxaan doonayaa inaan arko goolal ay kooxdu dhaliso iyo difaac.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ancelotti Oo Sheegay In Bale Maqnaanayo Kulanka Osasuna, Soona Bandhigay Qorshaha Uu Ku Waajahayo Bayern

Abou Diaby Oo Markale Dhaawacmay Kana Baaqanaya Kulanka Newcastle

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: