5:36 pm - Thursday July 27, 2017

Giggs oo Ku Kufay Old Traford – Cardiff & Fulham Oo ka dhacay Tareenka Priemier League

Aidarous

Tababaraha iyo ruug cadaaga kooxda Manchester United, Ryan Giggs ayaa kulankiisii labaad ee uu hogaamiyo kooxda United guuldaro kala kulmay naadiga Sunderland.

Gool uu qaybtii hore ee ciyaarta ka dhaliyey Sebastian Larsson, ayaa u horseeday Sunderland guul muhiim ah.
Giggs oo ciyaartani u noqonaysay midii labaad ee uu hogaamiyo Manchester United, isagoo tiisii koowaad guul ka gaadhay ayaanay u suurto gallin inuu sii wado.

Cardiff City oo ka dhacday Salaanka Premier League

Cardiff City oo ka dhacday Salaanka Premier League

Todobaadkan oo horyaalka Ingiriisku xiiso lahaa , ayna ku kala cadaanayeen kooxaha hadhaya iyo naadiyada ka badbaadaya inay ku biiraan kooxaha Heerka labaad , waxa cadaatay oo habeen madow u dumay kooxaha Fulham iyo Cardiff City oo labaduba si toos ah uga dhacay tareenka Premier League.

Fabio oo niyad jabsan kadib markii kooxdiisu dhaadhacday

Fabio oo niyad jabsan kadib markii kooxdiisu dhaadhacday

Stoke ayaa dhulka la dhacday Fulham, kadib markii ay gallabta kaga adkaatay 4-1, kooxda galbeedka London ka dhisanina 13 sanno oo ay dhinaca haysatay Horyaalka Heerka koowaad , waxay rajadaasi ku soo af-meerantay garoonka Britannia Stadium.

Wilfried Zaha oo liqi la guuldarada Cardiff

Wilfried Zaha oo liqi la guuldarada Cardiff

Naadiga Cardiff City ayaa sanad kaliya kadib ku noqotay kooxaha heerka labaad ee wadanka Ingiriiska, kana hadhay horyaalka Ingiriiska ee Premier League, kadib guuldaro laxaad leh oo ay kala kulmeen Newcastle United, oo kaga adkaatay 3-0.

 

Taageerayaasha Fulham oo Marooradilaacsan

Taageerayaasha Fulham oo Marooradilaacsan

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Barcelona Oo La Qabtay Rajadii Horyaalkuna Cirka Kaka Laalantay

Copa Italia Final : Taageere Rasaas Lala Dhacay Iyo Rabshado Xoogan Oo Ciyaartii Napoli Iyo Fiorentina Hakad Galliyey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: