Gomez: Barcelona igama duufsan karto Fiorentina

Weeraryahanka naadiga Fiorentina, Mario Gomez ayaa sheegay in xataa kooxda Barcelona aanay awoodin inay ka af duubato ama ka xod-xodato inay ka kaxayso Florence xagaagan.Mario Gomez

Laacibka xulka Germany ayaa shabaqa ku hubsaday sagaal gool 24 ciyaarood oo uu xili ciyaareedkan saftay tartamada oo dhan, isagoo dhaawac ka soo kacayna ciyaartii koobaad wuxuu laba gool u dhaliyey kooxdiisa ciyaartii barbar dhaca 2-2 da ah ay la galeen Udinese.

Gomez wuxuu ku adkaystay inuu ku faraxsan yahay sii joogista Fiorentina, waxaanu daaqada ka tuuray wararka xanta ah ee sheegayay inuu dhamaadka xili ciyaareedkan naadiga isaga tagayo.

“Ma Barcelona ayaa i xiisaynaysa? Kutidhi ku teentu ima xiiso galliso aniga, Waxaan doonayaa inaan sii joogo Florence,” ayuu ku yidhi warfidiyaha Rai. “Waxaan u imid Fiorentina innaan guul gaadho, Bartilmaameed ayaan leeyahay aanan wali gaadhin oo aan jeclahay inaan soo taabto.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Sterling: Ma Ihi 20 Jir Adduunyo Daba Ordaya

Anelka Oo Ka Warray Sidii Uu Diinta Muslimka u qaatay iyo Mushkiladaha Haysta Muslimiinta

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com