Goolashii Daadka Ahaa Ee Real Madrid, Abaartii Ronaldo Oo Taagan Iyo Itaal darradii Legia Warszawa

real-vs-legia

Real Madrid ayaa garoonkeeda Bernabeu ku gaadhay guusheedii koowaad mudddo bil ah, kaddib markii ay ku soo dhoweysay kooxda aan awoodda badan lahayn ee Legia Warsaw oo ka dhisan waddanka Poland.

Ciyaartan oo ahayd kulankii saddexaad ee tartanka Champions League ee marxaladda koowaad ee marxaladda hormooyinka, ayaa waxay guushu ku raacday Real Madrid 5-1.

Gareth Bale oo ay heshay abaar dhinaca goolasha tartanka Champions League ah ayaa dhaliyey goolka furitaanka oo noqonaya kiisii ugu horreeyey ee uu kooxda u dhaliyo tan iyo 2014, kaas oo uu shabaqa dhex dhigay daqiiqaddii 16aad, hase yeeshee, kubbad uu Marcelo laag awood badan ku dhuftay ayaa waxa afar daqiiqo oo kaliya kaddib waxa goolkiisa ku leexiyey ciyaartoy difaaca uga ciyaara Legia, kaas oo ciyaarta ka dhigay 2-0, hase yeeshee, Legia ayaa heshay gool rikoodhe ah oo uu u saxeexay Radovic daqiiqaddii 22aad. Qaybta hore oo ahayd bandhigga goolasha ayaa waxa gool qurux badan kooxdiisa Madrid ugu saddexeeyey Assensio oo kubbad ka helay Cristiano Ronaldo, sidaas ayaana lagu kala nastay iyadoo natiijadu tahay 3-1.

Qaybtii dambe markii lagu soo noqday ayey Real Madrid muujisay deggenaan iyo inay ka awood badan tahay Legia, waxaana laba gool oo kale u kala dhaliyey Lucas Vazquez iyo Alvaro Morata oo labaduba beddel ku soo galay ciyaarta.

Real Madrid way wada badisay saddexdeedii ciyaarood ee tartankan, waxaana kaalinta koowaad ee Groupka F ay ku wada jiraan Borussia Dortmund, waxaanay leeyihiin min 7 dhibcood.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

10-Kii Saxeex Ee Ugu Fiicnaa Ee Tabobare Guardila Soo Iibsado Intii Uu Joogay Barcelona iyo Bayern Munich

Borussia Dortmund Oo 2-1 Ku Karbaashtay Sporting Lisbon – Daawo Goolashii Ciyaarta

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com