Goolhayaha Xulka Qaranka Belgium Oo Weerar Ku Qaaday Qaab-ciyaareedkii Faransiiska

 

Goolhayaha xulka qaranka Belgium, Thibaut Courtois ayaa ku eedeeyey Faransiiska inay ciyaareen kubbad lid ku ah kubadda caadiga ah ee la ciyaaro intii ay socotay ciyaartii ay kaga hadheen Koobka Adduunka.

Courtois oo markii ay ciyaartu dhamaatay u warramay warbaahinta dalkiisa ee Sporza ayaa waxa uu tibaaxay in sidii ay Faransiisku u ciyaareen aan lagu tilmaami karin ciyaar caadi ah, hase yeeshee ay is-difaac ku dhamaysteen.

Difaaca reer France ee Samuel Umtiti ayaa qaybtii dambe kubbad madax ah oo uu ka dhaliyey Courtois waxay ka dhigtay ciyaarta mid ku dhamaata 1-0, hase yeeshee qaybtii hore ayaa ay reer Belgium sameeyeen qaab ciyaareed fiican inkastoo aanay ka faa’iidaysanin fursadihii ay heleen.

Haddaba goolhaye Courtois waxa uu aaminsan yahay in sida kaliya ee Faransiisku ay kaga badbaadayeen ay tahay inay difaac galaan, hase yeeshee aan laga ciyaar wanaagsanayn dalkiisa.

“France waxay ciyaareen lidka-kubadda cagta. Way ku saxsanaayeen qaabka ay u ciyaareen sababtoo ah waxay ogaayeen in aanay noo fududaan doonin inaanu kaga adkaano qaabka noocaas ah, laakiin may ahayn ciyaar lagu farxo daawashadeeda. Nagamay ciyaar wanaagsanayn, si fiican ayay isku difaaceen, waa intaas oo kaliya.” Sidaas ayuu yidhi goolhaye Courtois.

Inkasta oo Belgium ay ku hadheen wareegga semi-finalka oo Faransiisku u gudbay ciyaarta finalka, haddana kama tegi doonaan waddanka Ruushka illaa sabtida oo ay kaalinta saddexaad la ciyaari doonaan England ama Croatia.


 

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com