Goolhaye Donnarumma Oo Loogu Hanjabay Dil iyo Nin Garoonka Ugu Soo Galay Oo Lacag Ku Daadiyey

Goolhayaha kooxda kubadda cagta AC Milan ee Gianluigi Donnarumma ayaa loogu hanajabay in la dili doono, kaddib markii uu diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa.

Sida uu sheegay Mino Raiola oo ah wakiilka Donnarumma, goolhayaha iyo qoyskiisa ayaa helay hanjabaad loogu sheegayo inay naftooda waayayaan, isla markaana lagu abuuray xaalad cabsi ah.

18 jirkan oo lala xidhiidhinayo kooxaha Real Madrid iyo Manchester United markii uu diiday saxeexa heshiis cusub, ayaa ka dhaqaajin karaya Milan badhtamaha sannadka dambe ee 2018, markaas oo uu dhamaanayo heshiiska uu kula jiro naadigiisu, hase yeeshee, Raiola ayaa tibaaxay in arrintan uu ku mutaystay in naftiisa halis la geliyo.

“Waa loo hanjabay, waana run Milan way lumisay Donnarumma, damaanaddiisana anigaa qaadaya.” sidaas waxa yidhi Raiola oo ah wakiilka ugu caansan wakhtigan kubadda cagta adduunka.

Wakiilka oo xaqiijinaya hanabaadda loo geystay goolahayaha, waxa uu yidhi: “Xaalad cabsi iyo aragagax leh ayaa lagu abuuray, waxaana loo hanjabay Donnarumma iyo qoyskiisaba. Waxa loogu hanjabay inaanu ciyaari doonin sannadka ugu dambeeya ee heshiiskiisa Milan. Waxa loogu hanjabay dil, masuuliyiinta kooxduna may goynin boodhadhka hanjabaadda ah ee gidaarrada loogu dhejiyey.”

Dhinaca kale, Sabtidii ayaa nin gadoodsan uu soo galay garoon ay ka socotay ciyaar dhexmaraysay xulka qaranka Talyaaniga ee ay da’doodu ka hoosayso 21 jirka iyo Denmark, waxaana uu ku daadiyey lacag faalso ah oo dollar ah.

Arrintan oo uu ku muujinayay inuu goolyahayuhu kooxdiisa Milan ka doortay lacag, ayaa waxay sii kordhinaysaa hanjabaadaha iyo culayska ba’an ee ay taageereyaasha Talyaanigu ku hayaan.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

De Gea + £175million = Ronaldo – Manchester Oo Dalab Qaali Ah Hor-dhigtay Real Madrid

Florentino Perez Oo Afar Sannadood Oo Kale Loo Doortay Madaxweynaha Real Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com