Goolhayihii Khamriga Cabbay Ee Hugo Lloris Oo Muddo Dheer Garoomada Ka Maqnaanaya

Goolhayaha kooxda kubadda cagta Tottenham ee Hugo Lloris ayaa muddo dhawr toddobaad ah ka maqnaan doona garoomada, hase yeeshee sii ahaan doona kabtanka Spurs kaddib markii fadeexad ay kasoo gaadhay khamri uu cabbay.

31 jirkan oo seegay ciyaartii 2 September ay kooxdiisu la ciyaartay Watford ayaa muddo aan la cayimin oo toddobaado ah sii maqnaan doona sida ay kooxdu sheegtay, waxaana uu u jiifi doonaa dhaawac muruq ah oo soo gaadhay.

Laacibkan oo Arbacadii ay maxkamad ku xukuntay ganaax culus oo iskugu jira lacag dhan £50,000  iyo in aanu muddo 20 bilood ah gaadhi kaxayn karin, ayaa aqbalay in isaga oo cabsan uu gaadhi kexeeyey, hase yeeshee ciidamada ammaanka ayaa maxkamadda ka hor sheegay in xattaa uu gaadhigiisa ku dhex matagay ka hor intii aan la keenin xarun boolis oo lagu xidhay.

Tottenham oo Sabtida la ciyaari doonta Liverpool ayaa waxa kale oo ka maqnaan doona weeraryahanka Dele Alli oo uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii saaxiibtinimo ee xulka England iyo Spain ee toddobaadkan horraantiisii.

Tababare Pochettino ayaa xaqiijiyey in Alli uu maqnaan doono ciyaarta Liverpool, isla markaana ay suurtogal tahay inuu seego illaa kulanka Inter Milan ee tartanka Champions League.

Dhaawacyada Lloris iyo Alli ayaa ku soo beegmaya wakhti ay kulamo adag kusoo fool leeyihiin Tottenham oo ku jirta kaalinta shanaad, hase yeeshee kulankeedii ugu dambeeyey la kulantay guul-darro lama filaan ah, kaddib markii ay Watford kaga adkaatay 2-1.


 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.