11:28 am - Friday June 23, 2017

Goolhayihii Xulka Maraykanka Ee Haweenka oo xabsiga Loo Taxaabay

Abdiwahab Ahmed

Gool-hayaha koowaad ee xulka qaranka hawenka dalka Maraykanka, Solo ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo aan waaran looga soo goynin maxkamadda.

Sida ay shalay qortay jariidadda USATODAY, Hope Solo oo ah goolhayihii u horseeday wadanka Maraykanka inay ku guulaystaan ciyaarihii Olympics-ka ayaa xabsiga la dhigay, iyadoo aan waaran loo goynin, waxaana ku socda baadhitaan.
Sida uu warku sheegay haweenaydan waxa lagu haystaa inay isku dhaceen qolyo kale, waxaana lagu xidhay jeelka Des Moines, Wash.

Madaxa Booliska Kirkland Lt. Mike Murray ayaa sheegay in Solo la soo xidhay markii ay weerar ku qaaday wakhti habeennimo ah gabadh ay walaalo yihiin iyo mid ay ilmo adeer yihiin, iyagoo ku sugan gurigooda oo ku yaala Kirkland, Washington, kuwaas oo ay u geysatay dhaawacyo muuqda.

Madaxa Booliska, Mr. Murry ayaa u sheegay wargeyska The Seattle Times, in telefoon looga soo diray guriga ay degenaayeen labada hablood ee la weeraray, waxana dhinac kaga nool gurigaas Solo iyo ninkeeda iyo waliba ciyaartoygii hore oo lagu magacaabo Jerramy Stevens.

“Xaflad weyn ayaa ka socotay gurigeeda, waxaanay ahayd xaalad aan la kaantarooli karin” ayuu yidhi Murry.
Solo oo ay da’deedu tahay 32 jir, waxay u ciyaartaa kooxda kubadda cagta ee Seattle Reign FC.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich Oo wada furay xidhiidh wax kala Iibsi

Messi Oo Daqiiqadihii Lagu Daray Ciyaarta, Argentina U Diray Wareega 16-ka

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: