Govinda: “Gobolladu waxay marti u yihiin Maroodi-jeex, Si Isku Mid Ah Ayaanu usoo dhoweynaynaa”

Govinda

Weeraryahanka xulka gobolka Maroodi Jeex iyo kooxda Dawladda Hoose ee Hargeysa, Maxamuud Cabdi Xasan (Govinda) ayaa qalbi furan kusoo dhoweeyey ciyaartoyga gobollada Jamhuuriyadda Somaliland ee ka qayb-gelaya ciyaaraha gobollada JSL, kuwaas oo maanta ka furmaya garoonka Hargeysa Stadium.

Maxamuud-Govinda oo la soo xidhiidhay shabakadda ciyaaraha ee CADALOOL isagoo hawlo shaqo u jooga waddanka Jabuuti, ayaa waxa uu sheegay in ciyaartoyga gobolka Maroodi Jeex ay si isku mid ah ay usoo dhoweynayaan xulalka gobollada ee martida u ah, waxaanu shacabka ugu baaqay in ay si diirran oo nabadgelyo ah usoo dhoweeyaan ciyaartoyga.

Inta uu tartanku socdo, ayuu ka codsaday shacabka in ay garab istaagaan ciyaartoyga martida u ah, ayna tusaan jacayl iyo walaaltinimo, waxaanu isagoo farrintaas diraya yidhi: “8-da gobolba waxay marti u yihiin Maroodi-jeex si isku mida ah ayaanu u soo dhawaynaynaa hadaanu nahay ciyaartoy, maamulo iyo dadwaynaha gobolka Maroodi Jeex.”

Govinda oo si gaar ah ula hadlay dadweynaha caasimadda waxa uu yidhi: “Waxaanan bulshada Caasimadda ugu baaqayaa sidii lagu yaqiinay inay soo dhaweeyaan gobalada maadama Maroodi-jeex yahay hooyadii kubadda Somaliland.”

Weeraryahankan oo dhawr jeer ku guuleystay ciyaartoyga ugu goolasha badan tartanka gobolladu, waxa uu xusay in ciyaaruhu yihiin is-dhexgal iyo saaxiibtinimo isku soo dhoweysa quluubta shacabka Somaliland.