Guardiola : Manchester Markale Ayay Bus-kii ku Gudbi Doonaan Goolka

Tababaraha kooxda Bayern Munich , Pep Guardiola ayaa sheegay inuu rajaynayo in Manchester United ay difaac adag la shir iman doonto , kulanka is araga labaad ee rubuc dhamaadka horyaalka Champions League oo ay caawa isku haleeli doonaan garoona Aliaz Arena ee magaalada Munich.

Kooxda Ingiriiska ah ee United ayaa ku qabatay natiijo 1-1 ah dhigeeda wadanka Germany, is aragii hore ee ay ku kulmeen Old trafford todobaadkii hore , markaas oo ay soo bandhigtay difaac bir ah oo hor istaagay weerarkii iimaan la’aanta ahaa ee Bayern.

“Waxay ila tahay inay xooga saari doonaan xaga dambe. Waxay ciyaaraan kubad u badan difaac waxaanay raadiyaan kubado weerar dhif ah (counter attack). waa shaqo ay u qabtaan sida ugu fiican.” ayuu Guardiola ku yidhi shirkiisii jaraaid ee shallay.

“Way fududahay sida loola ciyaaro kooxaha Ingiriiska. United waa koox aad u weyn. Ciyaartii hore wixii ka horeeyey qof kasta wuxuu carabka ku hayay Bayern, laakiin imika dadku waxay ogsoon yihiin in Manchester guul ku gaadhi karto Munich.”