Guardiola: Muranka Robben Waxa Igaga Daran Ka Ay Xaaskaygu Igala Hortimaado

Guardiola & Robben

Tababaraha kooxda Bayern Munich,  Pep Guardiola ayaa ku kaftamay inuu Muranka  siyaasada qaab ciyaareedka kooxda ee Robben mid ka daran kala kulmo, xaaskiisa Cristina .

Tababarihii hore ee Barcelona ayaa inta badan nasiya xidigaha waaweyn ee naadiga sida laacibkan Reer Holland , wakhti xataa ay kooxda Bavarian ku jiraan marxalad adag.

Si kastabase ha ahaatee , oorida macalinkan Spanishka ah ayaa aaminsan in odaygeedu ku qaldan yahay inaanu safin inta badan kooxdii guulaha gaadhi lahayd.

“Xaaskayga Cristina waxay had iyo jeer igu dhaleecaysaa, qaab ciyaareedka aan kooxda u safo.” Ayuu saxaafada ku yidhi Guardiola.

“Waxaanay joojin inay igu canaanato inaan marwalba safo kooxda ciyaartii u dambeysay guulaysatay.”

“Eedaynteeda hanaanka isku bedelka ah ee aan u ciyaarsiinayo naadiga ayaa igaga daran Robben oon u sheego inuu kursiga kaydka meel ka fadhiisto.”

Pep Guardiol ayaa shaqada tababarenimo ka bedelay macalinkii hore ee kooxda Munich, Jupp Heynckes, kooxduna waxay hada ku jirtaa xaalad aad u wanaagsan dhinac walba , horyaalka , Yurub iyo koobka naadiyada wadanka Germalka.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ronaldo Iyo Romario Oo Fiintu Dhex Miranayso

Cabsida Messi Ay Ka Qabto Madrid ayaa Ka Badan Ta Aanu Ka Qabno Ronaldo

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com