Guardiola oo Barcelona ku ammaanay ciyaar wanaag

guardiola-oo-barca-ku-ammaanay-ciyaar-wanaag

Kooxda Barcelona waa “makiinad ama mashiin” waxayna ka ciyaar wanaagsanaan doontaa Manchester City, sidaasi waxaa sheegay tabobaraha naadiga Manchester City, Pep Guardiola.

Guardiola ayaa intuu laylinayay Barcelona kula guuleystay koobabka horyaalada Yurub iyo La Liga.

Pep Guardiola wuxuu dib ugu noqonayaa garoonka Nou Camp todobaadka soo socda, kullan kamid ah horyaalka Champions League oo kooxdiisa City ay fooda is dari doonaan Barcelona.

“Barcelona waxaa u gaar u ah qaabka ay u ciyaaraan. Waa sida makiinada oo kale,” ayuu yidhi Pep.

Laakiin Guardiola wuu ogyahay inay wakhti qaadaneyso in la gaadho maamuuska Barcelona ay heshay nus qarnigii u dambeeyay.

“Toban kii sano ee la soo dhaafay, 50 kii sano ee u dambeeyey, Barcelona waxa ay qabsatay garoomada ciyaaraha kubadda cagta. Waan jeclahay sida ay u ciyaaraan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Guardiola.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Mourinho: Liverpool waxay dhibayaan garsooraha ciyaarta habeen dambe

prev-next.jpg

Mane: Liverpool wey garaaci doontaa Manchester United

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com