Guardiola Oo Dalabyo U Diray Dani Alves iyo Kyle Walker

Alves iyo Walker oo ku socda Man City

Tababare Pep Guardiola ayaa doonaya inuu la midoobo Dani Alves oo sannado guulo badan ay gaadheen ay ku wada qaateen Barcelona.

Tababaraha ayaa dalabyo u diray laba ciyaartoy oo baasha midig ah oo mid yahay Dani Alves oo u ciyaara Juventus, da’diisunta ahay 34 jir iyo Kyle Walker oo Tottenham ka tirsan.

Intii ay Barcelona wada joogeen Alves iyo Guardiola waxay u damaashaadeen lix koob oo LaLiga ah iyo saddex horyaallada Yurub ee Championns League ah, laakiin Guardiola ayaa Munich tegay, halka Alves uu Juventus uga digo-rogtay. Xidhiidhka wanaagsan ee saaxiibbadan hore ka dhexeeya ayaa sabab u noqon kara in uu guuleysto dalabka City ee ciyaartoygan.

Dhinaca kale, laacibka xulka qaranka England ee Walker oo 27 jir ah ayaa uu Guardiola doonayaa inuu safka midigta ee kooxdiisa ku xoojiyo, hase yeeshee waxa kale oo uu doonayaa Benjamin Mendy oo Monaco bidixda uga ciyaara kaas oo uu doonayo inay buuxiyaan booskii ay banneeyeen Pablo Zabaleta, Gael Clichy iyo Bacary Sagna oo dhamaantood bilaash kooxdu ku fasaxday.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

‘Waanu Kuu Baahanahay’ Zidane Oo U Baroortay Ronaldo

Mexico Oo Daqiiqadihii Ugu Dambeeyey Niyad-jebisay Portugal Oo Wadata

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com