3:01 am - Sunday June 25, 2017

Guardiola Oo Ka Baqanaya Real Madrid Ciyaarta Semi Finel-ka Champion-ka

Aidarous

Pep Guardiola ayaa muujiyey inaan Bayern Munich Helli doonin fursad ay ku dhaafto ciyaarta Semi Finel-ka ee horyaalka Yurub kooxda Real Madrid, ilaa ay dib u soo cusboonaysiiyaan qaab ciyaareedkii hore ee kooxda Germalka ah.

Isku buuqa iyo mushkilada cabsida ah ee la soo daristay Guardiola waxa cirka ku sii shareeray kadib markii kooxdiisu kulamadii ay yeelanaysay horyaalka todobaadyadii u dambeeyey ay ahayd mid jiho iyo jaah laawe ah, isla markaana ay guuldaraysatay afar kamid ah shantii ciyaarood ee u dambeeyey.

“Haddii aanu ula ciyaarno Madrid sidii aanu u ciyaaraynay dhawaanahan, fursad aanu finel ku tagnaa nooma sooo bixin,” ayuu Guardiola ku yidhi, shir jaraa’id oo uu qabtay.

“Waxaanu ku suganahay khatar aad u daran, haddii aanaan arimahaasba diirada saarin, markaa wixii intaas ka dambeeya madaxu wuu foorari doonaa arimuhuna si yar si yar bay u dhici doonaan.”

Bayern ayaa kulankii ugu dambeeyey ee ay is arkaan Madrid oo ahayd Champions League xili ciyaareedkii 2011-12, markaas oo ay kooxda horyaalka Bundesliga kaga guulaysatay kooxda Spanish ka ah sharciga goolasha meel ka baxsan garoonkooda ay kooxdu ku dhaliso (away goals).

Kulanka is araga koowaad ee semi finelka horyaalka Yurub ayaa ku dhex mari doona labada kooxood garoonka Santiago Bernabeu bisha April 22-keeda.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Deschamps: Faransiisku Ma Haysto Awoodii Uu Ku Qaadi Lahaa Koobka Aduunka

Real Madrid oo Hanatay Copa del Rey Iyo Gareth Bale Oo Sida Faraska U jiidhay Barca

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: