Guddoomiyaha ururka kubada cagta adduunka ee FIFA MR. Gianni Infantino ayaan isagu ku qanacsanayn tirade qaramada kasoo qayb gala koobka adduunka, waxaanu wadaa qorshe lagu badinayo kooxaha ku tartama koobka Dunnida. Infantino ayaa sheegay in 2026 laga badiyo tirada wadamada kasoo qayb galla 40 Wadan.

 

Infantino ayaana ololihisii doorashada ku galay inuu 40 wadan gaadhsiin doono kooxaha kasoo qaybgala koobka adduunka, isagoo kor uga qaadaya tirada hada kasoo qayb gasha oo ah 32 wadan.

Madaxwaynaha FIFA ayaana warbaahinta kala duwan ee dunida u sheegay maalinkii shalay inuu ra’yi ahaan taageersan yahay wali arintii uu ololaha ku galay isagoo yidhi “fikir ahaan aniga waxay ila tahay in laga dhigo kooxaha kasoo qayb galaya koobka adduunka 40 wadan, waynu falaanqayn doonaa kana doodi doonaa marka la gaadho wakhtigeeda”

Ururka FIFA ayaana waxa ay arintani ka doodi doonaan bishan soo socota ee October, iyadoo la eegi doono wixii suura gal ah kordhinta tirada wadamada kasoo qayb galaya koobka adduunka. Inkastoo la isku dhaafsan yahay in qaarada Asia oo marti galin doonta koobka 2022 ka loo tixgaliyo Marti galiyayaal, kuwaas oo lasiinayo dhawr wadan oo dheeraad ah.

Dhanka kale ururka kubada cagta CONCACAF ee wadamada waqooyiga iyo badhtamaha Amerika iyo sidoo kale Caribbean-ka  ayaan kasoo qayb galin koobka adduunka mudooyin badan, waxaanay ku doodayaan inay kasoo qayb galaan.

 

Si kastaba ha ahaatee go’aanka kama dambaysta ah, waxa lasoo saari doonaa bisha May ee Sanadka 2020-ka, balse waxaa laga doodi doonaa Bisha October ee sanadkan, iyadoo ay jiraan ismaan dhaaf iyo kala duwanaansho dhinaca saami-qaybsashada ah.

 

“waxa muhiim ah in laga eego dhinaca waxtarka, waa inaynu helno wadamo badan ilaa 40 wadan, taasi waxay wax u taraysaa wadamo badan oo aan kasoo qayb galin koobka adduunka muddooyin badan ama waligoodba” Sidaas ayuu yidhi Infantino.

Dhinaca saamiga waxa uu sheegay Infantino “waxa muhiimka ahi waa in la hirgaliyo arintan iyadoo si muuqata loogu qaybin doono dhamaan qaaradaha dunida.”

Hadaba qorshahan ayaa doodiisu bilaabmi doontaa Bisha October, iyadoo la ansixin doono sanadka 2020.