Gundogan Iyo Hummels Ku Sii Jeeda Manchester United Iyo Lacagta Diyaarka Loola yahay

Gundogan

Manchester United ayaa rajeynaysa in ay wakhti horeba dhamaystirto heshiiska laacibka khadka dhexe ee Ilkay Gundogan kaas oo la filayo in uu xagaaga yimaado Old Trafford, isla markaana ay labada kooxood ku heshiisn doonaan lacagta ay ku kala iibsanayaan oo lagu sheegay in ay tahay £15million.

Manchester United oo ku jirta xaalad dib-isku habayn ah isla markaana dooneysa in sannadka dambe ay ku tartanto horyaalka Premier League oo ay hadda kaalinta saddexaad fadhido ayaa sida ay qortay jariidada Sportsmail, tababare Louis van Gaal ayaa soo saaray liiska magacyada ciyaartooyo uu doonayo in uu safkiisa ku xoojiyo sannadka dambe, kuwaas oo safka hore uu kaga jiro Mats Hummels oo ka tirsan Borussia Dortmund hase yeeshee ay kooxdaasi in badan daba socotay. Waxa kale oo ku jira liiskaan Gundogan, iyadoo United ay wada hadallo kula jirto kooxdaas.

Manchester United ayaa la aaminsan yahay in labadan ciyaartoy ay ku kacayaan lacag dhan £50 milyan, iyado marka la sii kala jejebiyana uu Hummels noqonayao £35m halka Gundogan uu ku qiimaysan yahay £15m.

Labada kooxood ayaa sida uu warkani sheegayo waxay ka heshiiyeen kala iibsiga Gundogan waxaana hadda socda in ciyaartoyga iyo mushaharka uu qaadan doono uun laga wada xaalo.

Dortmund ayaa ku khasban in ay labadan ciyaartoy iibiso kadib markii ay diideen in ay heshiis cusub u saxeexaan kooxdaas kaas oo ay toddobaadkii ku qaadan lahaayeen lacag dhan £100,000.

Manchester United ayaa la sheegay in ay dooneyso in ay kharash garayso lacag dhan £150 million xagaaga isla markaana ay dhisto koox awood badan oo la wareegta hoggaanka Premier League.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Ibrahimovic Oo Jawaab Naxli Ka Buuxo Ka Bixiyey Ganaax La Saaray

Mo Farah: Heesaha Mohamed BK Ayaan Jecelahay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com