7:26 pm - Friday August 18, 2017

Guus Hiddink Oo Loo Sii Doortay Tababaraha Xulka Holland

Aidarous

Guus HiddinkTababare Guus Hiddink ayaa loo magacaabay tababaraha rasmiga ah ee xulka qaranka Holland hogaamin doona marka laga soo noqdo ciyaaraha koobka aduunka ee sanadkan ka furmaya wadanka Brazil.

Odaygan 67 jirka ah , ayaa sugi doona inuu jagadan ka bedelo tababaraha wakhti xaadirkan xulka laylya ee Louis van Gaal, kadib markii macalinkan hore ee naadiga Bayern Munich, go’aansaday inuu shaqadan ka tagi doono marka ay uu dhamaado tartarnka Koobka aduunku.

Xidhiidhka kubada cagta wadanka Holland ee magacooda loo soo gaabiyo (KNVB) ayaa daboolka ka qaaday in Tababare Hiddink qalinka ku duugay heshiis laba sanno ah , kaas oo la micno ah inuu xulka hogaamin doono isreeb-reebka koobka qaramada qaarada Yurub ee Euro 2016, oo uu marti gallin doono wadanka France.

Tababarahan hore ee kooxda Chelsea ayay caawiyeyaal u noqon doonaan , Danny Blind iyo Ruud van Nistelrooy , iyadoo uu qorshuhu yahay in Blind uu xulka kala wareego Hiddink marka la gaadho sanadka 2016 ka , uuna wado ilaa 2018 ka.

“Waxa farxad noo ah inaan xulka markale u dhiibno tababare khabiir ah. oo ay weheliyaan Danny Blind iyo Ruud van Nistelrooy. waxaanu helay koox awood , aqoon iyo khibradba u leh tababarida,” ayaa lagu yidhi webka rasmiga ah ee xidhiidhka kubada cagta Netherlands (KNVB website).

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Seedorf : “ Ac Milan Iyo Manchester United Isku Xaalad Ayay Ku Jiraan.”

Moyes Oo Ka Qayliyey Boodhka Lidiga Ku Ah Ee Diyaaradu La Dulmari Doonto Old Trafford Ciyaarta Maanta

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: