11:44 pm - Monday May 29, 2017

Hablaha Nigeria iyo Cameroon oo maanta ciyaaraya Finalka Koobka Dumarka Afrika

Abdiwahab Ahmed

Ciyaarta kama dambeysta ah ee koobka Qaramada Afrika ee Haweenka ayaa maanta lagu wadaa inay ku wada ciyaaraan xulalka haweenka ee Nigeria iyo Cameroon.

Finalkan ayaa noqonayaa midkii labaad ee xidhiidh ah oo ay labadan xul ku kulmaan, iyadoo midkii kan ka horreeyay Nigeria 2-0 kaga adkaatay xulka Cameroon.

Ciyaartan oo ka dhici doonta garoonka Ahamadou Ahidjo ee magaalada Yaounde ayaa waxaa la filayaa inuu ka soo qeyb galo madaxweynaha waddankaasi Cameroon ee Paul Biya.

Nigeria ayaanan ku hamiyayn oo kaliya inay difaacato koobka ee balse waxa ay sidoo kale maanka ku haysaa inay ku guulaysato koobkii 8-aad ee tartankan 10-ka jeer uun la qabtay, halka Cameroon ay doonayaan inay qaadaan koobkii ugu horreeyay ee Qaramada Afrika ee haweenka, waana markii saddexaad ee ay finalka soo gaadhaan.

Cameroon ayaanan weli wax gool ah laga dhalin halka Nigeria ay 12 gool dhaliyeen balse hal gool  oo rikoodhe ah  laga dhaliyay ilaa iyo haatan.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

“Koobka AWCON Waxa Qaadaysa Cameroon” – Raissa Feudjio

chelsea-oo-dubatay-manchester-city

Chelsea Oo Dhirbaaxo Ku Dhufatay Manchester City Ciyaar Gunaanad Fool-xumayd

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com