7:32 pm - Friday August 18, 2017

Hadalladii Xamaasadda iyo Niyad Jabka ahaa ee laga soo xigtay Atletico Madrid markii ay dhamaatay ciyaartii Malaga

Aidarous

Halbowlaha khadka dhexe uga ciyaaaha Atletico Madrid, Gabi ayaa markii ay dhamaatay ciyaartii dhex martay kooxdiisa iyo Malaga oo ku gebogabowday 1-1, waxa uu warbaahinta u sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo in kooxdiisu ku guulaysan doonto horyaalnimada sannadkan, waxaanu tibaaxay in ay natiijada guushooda ka soo heli doonaan garoonka Camp Nou ee Barcelona.

“Natiijada aanu guusha ku qaadayno waxaanu ka helaynaa Camp Nou. Wali waanu is aaminsannahay, waxaannu nahay Atletico, waxaananu halkaa u tegaynaa in aannu ku soo guulaysanno” ayuu yidhi.

Gabi wuxuu xusay in Axaddii shalay ay noqon karayeen horyaalka sannadkan, laakiin ay fursaddaas ka faa’iidaysan waayeen oo ay wali ciyaari u furan tahay Barcelona. “Waxa aanu doonaynay in aanu horyaalka noqonno Axaddii laakiin waxa aannu nafta huri doonaa kulanka Barcelona si aanu u noqonno kooxda horyaalka ah. Waxana aannu caan ku nahay inaanu ciyaarno faynallada” ayuu yidhi.

Ciyaartii xalay may ahayn wax sahlan, waxana dhiirranaan badani ka muuqatay Malaga, taasna muu qarinin, Gabi, waxaanu yidhi “Malaga niyad ayay haysay sababtoo ah waxay u baahnaayeen dhibic si ay kor ugu kacaan. Gebo-gebadii waannu niyad jabnay waayo waxa aanu ogaannay natiijada Kulankii Barcelona”.

Atletico waxa ay saddex dhibcood ka horraysaa Barca oo ay toddobaadka dambe albaabada isku xidhan doonaan garoonka Camp Nou, waxaana loo caleemo saari doonaa horyaalka kooxda guulaysata, iyadoo haddii ay barbar dhac gallaana ay libinta leedahay Atletico.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Madrid Oo Ka Baxday Dagaalka Horyaalka – Barca Oo La Hakiyey Iyo Atletico Oo Fursad Dahab Ahi Ka Luntay

Ancelotti Oo Calaacal Miciinsaday Markii Saddex Kulan Oo Isku Xiga Uu Badan Kari Waayey

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: