12:08 pm - Tuesday May 30, 2017

Halis Intee-Leeg Ayuu Horyaalka China Ku Hayaa Suuqyada Reer Yurub?

Muxumed

China Oo Bixinaya Mushaharkii Ugu Badan Ee Ciyaartooy Qaato kaasoo Hali Galiyey  Suuqa Iibka Sannadkan

Inkastoo aanu wadanka China hore ugu caan ahayn kubadda cagta balse hadda waxa uu bilaabay qorshe uu ku dardar galinayo ciyaariska kubadda cagta. Sidaas oo ay tahayna Kooxaha waddanka China ayaa ruxay sayladda ciyaartoyga lagu kala iibsado, waxaanay dalabyo lacag badan wata u direen ciyaartooyada dunida ugu wanaagsan qaarkood, kuwaas oo ay u ballan-qaadeen mushahar aad u badan.

Ciyaartoygii ugu dambeeyey ee ogolaaday inuu tago China, waa laacibka Axel Witsel oo gaashaanka ku dhuftay dalabyo uu ka helay kooxaha waaweyn ee Yurub, isla markaana doortay horyaalka lacagta badan taallo ee China. Waxa kale oo jira dalabyo gacanta laga saaray Cristiano Ronaldo iyo xiddigo kale, iyadoo ay suurtogal tahay in Manchester United ay ka tirsan yihiin ciyaartooyada diiraddu saaran tahay.

Mushaharka ciyaartoygu qaataan ayaa isbeddel ku dhacay, laba ka mid ah saddexda ciyaartoy ee dunida ugu mushaharka badan, waxay hadda ka ciyaaraan horyaalka waddanka China.

Teves ayaana qaata mushaharkii ugu badnaa ee ciyaartooy qaato, isagoo qaata 615,000 Euro todobaadkii, waxaana ku xiga Ronaldo oo dhawaan loo kordhiyey qandaraaskiisa kaasoo qaata 424,615 Euro todobaadkii, balse kaalinta sadexaad waxa haddana kujira LEVEZZI oo isna ka ciyaara Shiinaha waxaanu qaataa 400,000 Euro todobaadkii, waxaana kusoo xiga Oscar oo isna dhawaan tagay China waxaanu qaataa 400,000 Euro todobaadkii. Waxaana muuqata halista uu horyaalka wadanka China ku hayo suuqyada kala iibsiga ee sannadkan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
prev-next.jpg

10 Arrimood Oo Lagu Xasuusanayo Zidane

Chicago Bulls Oo Dhulka La Dhacday Cleveland Cavaliers Oo Uu Hoggaaminayo LeBron James

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com