8:46 pm - Monday January 22, 2018

Halkee Ayuu Ku Dambeeyey Heshiiskii Liverpool La Gelaysay Riyad Mahrez

149 Viewed Abdiwahab Ahmed 0 respond

Sida uu sheegay wariye Mohammed Al-Wadahi oo ka tirsan telefishinka beIN Sports, Riyad Mahrez waxa uu heshiis afar sannadood iyo badh ah la galay Liverpool, kaas oo dhamaanaya toddobaadkan iyadoo labada kooxoodna isla gaadheen ogolaansho ah inay 49 milyan oo Gini kula kala wareegaan.

Sida uu sheegay wariye Mohammed, Mahrez waxa uu ku sugnaanayaa garoonka Anfield tan iyo sannadka 2022, waxaana uu beddelayaa Philippe Coutinho.

Inkasta oo warkaasi uu Sabtidii soo baxay, haddana waxba kama hirgelin, waxaana ay ilo wareedyo laga helayo Liverpool ay sheegayaan in dhamaan wararkaasi been abuur ahaayeen. Hase yeeshee, wairye Al-Wadahi ayaa ku adkaystay in uu warkaasi run yahay oo uu ciyaartoygu qarka u saarnaa qandaraaska Liverpool uu u saxeexayo.

Wariyaha oo qoraal ku baahiyey bartiisa Twitterka waxa uu yidhi: “Warka heshiiska Liverpool waa mid ka yimid ilo aad loogu kalsoon yahay oo ah wakiilkiisa. Muu daabicin (wakiilku) illaa heshiisku si buuxda u hirgelayo, waxuuse ii sheegay in ciyaartoygu uu guri ka raadinayo magaalada Liverpool, mar horena uu baadhitaanka caafimaadka u maray Liverpool.”

 

 

Liverpool ayaa la sheegay in Riyad Mahrez ay ka dhigays beddelka Philippe Coutinho oo £142million ugu wareegay Barcelona, hase yeeshee, waxa kale oo ay Liverpool doonaysaa laacibka Monaco ee Thomas Lemar iyo Leon Goretzka oo ka tirsan Schalke.

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Tottenham Iyo Real Madrid Oo Horumar Ka Sameeyey Wada-xaajoodka Harry Kane

Kevin de Bruyne Oo Wakhti Dambe Guul U Horseeday City

‘De Bruyne Waa Dhexda Ugu Wanaagsan Qaaradda Yurub’ – Halyeygii City ee Paul Dickov

Related posts
Your comment?
Leave a Reply

Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com