Halyeeyadii Reer France Ee 1998 Koobka Adduunka Paris Kaga Qaaday Brazil Oo Goob Joog Ka Ahaa Aar-goosigii Habeen Hore

Habeen hore magaaladda caasimadda ah ee Paris uma ahayn habeen fiican maadaama Jamaahiirta xulka qaranka Les Blue ay guul-darro qadhaadh kala kulmeen xifaal-tamayashooda Brazil. Xul uu hogaaminayo Neymar JR ayaa 3-1 guul-darro ah ku dhuftay wiilashii Didier Dechamps oo uu hogaaminayay qunyar socodka Real Madrid Karim Benzema.France-vs-Brazil 98

Si kastaba ha ahaatee kulankii habeen hore waxaa goob-joog ka ahaa Afar halyey oo ka mid ahaa xulkii Faransiiska ee sannadkii 1998-kii koobka adduunka kaga qaaday Brazil isla garoonkii habeen hore ay guusha ku gaadheen Brazil. Zidane ayaa dhaliyay laba ka mid ah goolashaas, walow Desaily lagu xasuusto inuu casaan qaatay kulankaas, Patrice Vieira Ayaa isna ahaa caawiyihii goolkii saddexaad ee France. Si kastaba habeen wacan uma ahayn halyeeyadaas maadaama ay guul-darro la qaateen xulkooda France, Dunga oo ciyaar yahan ahaa xilligaas ayaana isaga oo tababare ah guul ku gaadhay halkii looga oohiyay 17-sanno ka hor.France-vs-Brazil 98 to

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
5/5 - 1
You need login to vote.

Chicharitto Oo Jeclaaday Gabadh Lala Xidhiidhinayay Cristiano Ronaldo

Waalli-cas: Iniesta Oo La Barbar dhigay Geed

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com