Halyeyga Barzil Ronaldo Oo Isbitaal La Dhigay & Faah-Faahino Ka Soo Baxaya Xaaladiisa Caafimaad

Laacibkii hore xulka qaranka Brazil Ronaldo ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada xeebta ah ee Ibiza e dalka Spain,kadib markii laga helay xanuun ku dhaca sanbabada.

Ronaldo oo 41 jir ah ayaa maalinti Jimcada ee tagtay barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku soo qoray in uu dareemayo xanuun,balse uu tijaabooyin caafimaad mari doono maalinta Isniinta oo berito ku beegan.

Related image

Halyeyga xulka Secelcao ayaa xulkaasi u dhaliyay 62 gool,waxaana goolashaasi ku jira kama danbeystii koobka aduunka 2002 oo Jarmalka uu laba gool ugu shubay.

Gool dhaliyihii hore ee Real Madrid oo sidoo kale soo xirtay maaliyadaha Barcelona, Inter Milan iyo AC Milan ayaa jamaahiirta kubada cagta uga mahad celiyay sida ay garab istaaga ugu muujiyeen tan iyo ay isbadashay caafimaad

Afhayeen u ahdlay isbitaalka lagu dabiibayo xaalada caafimaad ee Ronaldo ayaa sheegay in uusan awoodin in xiligan faah-faahin ka bixiyo xaalada halyeyga Brazil ee Ronaldo oo xanuun deg-deg laga helay.

Xirfada ciyaareed ee Ronaldo ayaa soo idlaatay todobo sano ka hor,markaa oo laba sano uu ku qaatay kooxda reer Brazil ee Corinthians kadib mudadaasi ayuuna kabaha ka qaatay masraxyada kubada cagta.

Ronaldo ayaa labo horyaal oo Laliga ah Real Madrid kula guuleystay halka UEFA Super Cup uu mar qura Inter Milan la qaaday,wuxuuna sidoo kale qeyb ka ahaa safkii Brazil ee ku guuleystay koobki aduunka 1994.

Abaalmrinta Ballon D’or ayuu ku guuleystay sanadihii 1997 iyo 2002 uu xulkiisa ay koobka aduunka loo caleema saaray.


 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.