Halyeygii Reer Brazil Ee Ronaldo Oo Saadaaliyey Waddanka Ku Guuleysan Doona Koobka Adduunka

Halyayga xulka qaranka Brazil Ronaldo ayaa ka hadlay fikirkiisa guud ee kaga aadan in xidiga ay isku dalka yihiin iyo kooxda Paris Saint-Germain Neymar Jr uu u dhaqaaqi doono kooxda ka dhisan caasimada dalka Spain ee Real Madrid.

Weeraryahankii hore kooxda Real Madrid ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday wuxuu kaga hadlay arintan wuxuuna ugu horeen hadalkiisa ku bilaaway: “Qof walba wuxuu ka hadlayaaa arintan, bal aan aragno waxa saxan iyo waxa aanan saxneen, waxaan hubaa inuu noqon doono xidig ka tirsan kooxda Real Madrid”.

Dhinaca kale Halyayga xulka qaranka Brazil Ronaldo ayaa wuxuu ka hadlay fursada uu xulka qaranka Brazil u heli karo ku guuleysiga koobka aduunka ee 2018 ee bari oo khamiis ah dalka Russia wuxuuna yidhi: “Waxaa la gaaray waqtigii aan markale ugu guuleysan lahayn koobka aduunka”.

“Labadii sanno ee la soo dhaafay, si fiican ayaan u ciyaarnay, aad ayaan u fiicanahay la shaqeynta Tite, ciyaartoydana waa ay ku faraxsan yihiin, dhamaantood waa koox da’ayar ah, qaar ayaa ciyaari doona Koobkoodii ugu horeeyay ee Koobka Adduunka, waxaa laga yaabaa inuu jiri doono walwal yar marka ugu horeysa, laakiin waxaan aaminsanahay, inay dhibaato noqon doonto”.

Ronaldo ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay In Neymar uu dhaafi karo rikoodhkiisa kaga yiila xulka qaranka Brazil ee ah xidiga labaad ee taariikhda ugu goolasha badan wuxuuna si farxad ah u yiri: “Waan ku faraxsanaan lahaa hadii uu dhaafo, sidoo kale rikoodhka Pele, hadii ay sidaas dhacdo waxay ka dhigan tahay, inaan awoodno inaan ku guuleysano koobab”.

Halyayga reer Brazil ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay; “Waan jeclahay rabitaankiisa iyo hamigiisa ah inuu goolal dhaliyo, si uu u caawiyo kooxdiisa iyo xulkiisa qaranka Brazil”.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.