Hargeysa: Dooggii la dhigayay Garoonka Hargeisa Stadium Oo Dalka Yimid

Hargeysa (www.cadalool.com) – waxa magaalada Hargeysa soo gaadhay dooggii loogu talo galay in la dhigo garoonka kubadda cagta caasimadda ee Hargeisa Stadium, kaas oo ay wasaaradda ciyaaraha Somaliland ballan qaaday in degdeg loo bilaabi doono hawshiisa.

Agaasimaha wasaaradda ciyaaraha, dhallinyarada iyo dalxiiska, Maxamed Xuseen Dhabbeeye ayaa xaqiijiyey in uu dooggaasi soo gaadhay isla markaana ay dhawaan bilaabi doonaan in ay dhigaan garoonka.

“Hawshii way socotaa, Rooggiina shantii bishan ayaa Hargeysa la keenay, si degdeg ah ayaana loo gogli doonaa Haddii Allah idmo, hadda waxa socda diyaar garowga hawlihii ka horreeyey” sidaa waxa yidhi agaasimaha wasaaradda ciyaaraha.

Agaasime Dhabbeeye ayaa sida uu qoray wargeyska Geeska Sport, waxa ay ku hawlan yihiin qaabkii ay u geli lahaayeen hawsha dhiggidda garoonka ee doogga.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Oo Ka Hadashay Garoomada Gaarka Loo Leeyahay

Taagereyaal Badan Oo Toogasho Lagu Dilay Dalka Masar

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com