Harry Kane Oo Sheegay Inay Isku Diyaarinayaan Wacdaro Cusub Oo Ay Ka Dhigaan Horyaalka Yurub

Weeraryahanka Harry Kane ayaa sheegay in Tottenham ay u caddaysay kuwa dhalliila inay khaldan yihiin kaddib markii ay kaalinta koowaad kaga soo baxday groupka dhimashada oo ay ka sare martay Real Madrid.

Spurs ayaa 2-1 ku dhirbaaxday Borussia Dortmund oo ay marti ugu ahayd waddanka Germany, goolkana ku hor martay, ciyaartii ka horreysayna waxay 3-1 ku xasuuqday Real Madrid, taas oo ka saacidda in kaalinta koowaad ay dhibaato la’aan kaga soo baxaan hormadooda.

“Group-ka aanu ku jirnay, dad badan yaa shaki na gelinayey, laakiin waxaanu doonaynay inaanu u caddayno inay khaldanaayeen.” Ayuu yidhi Kane.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Rajo wanaag, waxa aanu hadda isku dhisi karnaa ciyaaraha ka hadhay Champions League.” ayuu tibaaxay.

Dhinaca kale, tababaraha Tottenham, Pochettino ayaa sheegay in markii ay xili ciyaareedkii hore ku hadheen wareegga koowaad ay ku tashadeen inay isku diyaariyaan sannadkan, iyagoo si gaar ah isha ugu hayey wixii ay sameeyeen Monaco, Leverkusen iyo CSKA.

Si kastaba ha ahaatee, Tottenham ayaa sugaysa in wareegga 16-ka ay aragto kooxda ay isku beegmi doonaan.

 

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Champions League: Kooxaha U Gudbay Wareegga 16-ka, Kuwa Rajaynaya, Kuwa Tegay Europa League Iyo Filashada Kuwa Kale

Ronaldo Oo Jebiyey Rikoodh Kale Oo Champions League Ah

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com