Hazard : Chelsea – City Iyo Liverpool Ayaa Qaadida Horyaalka Sanadkan Ku Loolamaya !!

EDEN HAZARD

Laacibka Reer Belgium, wuxuu ku doodayaa in Hirdanka Horyaalka Sanadkani uu dhex Yaalo Saddex Faras oo ay Kooxdiisu ugu dhawdahay.

eden-hazard-chelsea_

Eden Hazard ayaa sheegay in kooxaha Manchester City iyo Liverpool ay yihiin naadiyada kooxdiisa Chelsea kula hirdamaya horyaalnimada sanadkan ee Premier League.

Isagoo ka saaraya iskana indho tiraya kooxaha sida Arsenal, Tottenham iyo Manchester United, laacibka xulka Belgium wuxuu magacaabay labada naadi ee cabsida ugu weyn ku ah kooxdiisu inay qaado horyaalka sanadkan ee wadanka Ingiriiska.

Chelsea waxay hogaaminaysaa liiska kala saraynta horyaalka, 13 ciyaarood oo la soo ciyaaray, waxaanay wajahaysaa caqabadii ugu adkayd markay u safarto Manchester City maalinta Sabtida ah ee inagu soo foolka leh.

Waxaanu Hazard si cad u qiray in iyaga iyo Liverpool ay yihiin kooxaha ay tahay inay ka adkaadaan haddii ay uu Antonio Conte doonayo inuu Stamford Bridge keeno bilad xili ciyaareedkiisa koobaad ee maamulka naadiga.

“Man City iyo Liverpool,” ayuu Hazard ku yidhi warfidiyeenada, oo weydiiyey cida kooxdiisa sanadkan horyaalka

kula loolamaysa kuwa ay yihiin.

“Labaduba waa laba kooxood oo aad u wanaagsan. Haddii aanu doonayno inaanu kama dambeysta halkaas tagnona, markaa waa inaanu ku dhamaysanaa kaalinta ka saraysa labadaas kooxood.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
prev-next.jpg

Koobka haweenka Qaramadda Afrika oo soo gaadhay kulamadda 4 dhamaadka

Barcelona Ciyaartii Ugu Foosha Xumayd Intii Luis Enrique Haystay

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com