1:15 pm - Saturday June 24, 2017

Hazard: ‘Chelsea ciyaar meesha lama iman’

Aidarous

Eden Hazard ayaa carabka ku adkeeyey in “Chelsea aanay soo bandhigin ciyaar kubada cagta ah” kadib ciyaartii xallay ee Semi finel ka Champions League ay garoonkooda ku tuntay Atletico Madrid.
“Ma garanayo wax naga maqnaa oo aanu tabaynay,” ayuu ku yidhi beIN Sport.

“Markii aanu goolka dhalinay, ciyaartu gacantayada ayay ku jirtay. Waxa laga yaabaa inay si ka badan sidayada u doonayeen inay u baxaan Finel ka…Waxay ahayd ciyaar nala muquuniyey. Fursado in la daawado mudan ay ka buuxeen.

“Waan ka murugaysnahay laakiin macquuliyaadku tixgalintooda ayay leeyihiin maxaa yeelay (Atletico) wey u qalantay inay gudbaan.

“Chelsea may la iman ciyaar fiican meesha. Waxa nalagaga fiicnaa kubadaha tuuryada degdega ah (counter attack), Si lamid ah sidii ciyaartii Real ay ku ahayd Bayern.

“Waxaanu qabanay shaqo fiican oo waanu ciyaaraynay wixii ka horeeyey goolkii aanu dhalinay. Laakiin waxa na dhaawacay goolkii ay naga dhaliyeen intaan nasashada la gallin kahor. Qaybtii dambena waanu ku guuldaraysanay inaanu isbedel la nimaadno.

“Inta badan, Inaan bal isbedel keeno naftayda oo kaliya ayaan kula shawrayay manay ahayn hawl fudud. Waxay ahayd ciyaar adag. Cashar ayay noo noqon doontaa aanu wax ku qaadano sanadka dambe.”

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!

Mourinho Oo ‘Daqiiqad Kamid Ah 90-kii Daqiiqo’ Dusha Ka Saaray Guuldaradii Atletico

Zlatan: Mustaqbalkayga Kubada Cagta Waxaan Ku Dhamaysanayaa PSG

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: