Hector Bellerin

Hector Bellerin Heshiis Cusub U Saxeexay Arsenal

Laacibka difaaca uga ciyaara naadiga Arsenal ee Hector Bellerin ayaa qalinka ku duugay heshiis mudo dheer ah oo uu la sii joogayo kooxdan horyaalka Premier League ka ciyaarta.


21 jirkan reer Spain, ee baasha difaaca midig xejista, wuxuu ku soo biiray kooxda sanadii 2011, waxaanu mudadaasi kadib ku guuleystay inuu boos joogto ah ka hello kooxda lagu bilaabo ciyaaraha ee Line up ka loo yaqaan.

Wuxuu saxeexay heshiis mudo dheer ah bishii July sanadii 2015, imikana wuxuu cusboonaysiiyey heshiis kale oo wakhtigiisu dheer yahay.

67 ciyaarood oo heerka koowaad ah ayuu u saftay naadiga, kuwaas oo ay ku jiraan 11 kulan oo xili ciyaareedka sanadkan ee socda ah, ka hor intii aanu dhaawac garoomada kaga bixin.