2:53 pm - Saturday July 29, 2017

Heesaaga Justin Bieber Oo Xeradda Tababarka Arsenal Kula kulmay Mesut Ozil & Chamberlain

Samatar Mohamed

ozil-768x401

Heesaaga Caanka ah ee reer Maraykan aadkana u da’da yar Justin Bieber ayaa safar ujeedo gaar ah leh ku maraya dalalka caalamka, UK ayaana ka mid ahaa dalalka uu socdaalkan ku marayay, nasiib wanaag wuxuu booqasho ku tegay xerada tababarka Gunners isagoo la kulmay laba ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Gunners kuwaas oo isu geyn Twitter-ka ku leh in ka baddan 88 million oo taageere.

24-saac kadib guushii ay Arsenal ka heshay Swansea City kulan ka tirsan EPL-ka, sidoo kalena ku beegneyd sannad guuradii 28-aad ee boqorka caawinta Mesut Ozil ayuu xerada tababarka ee London Cloney kula kulmay Ozil iyo Chamberlain.

Justin ayaa wacdaro ku tusiyay xeradda tababarka ciyaartoyda Gunners iyo xirfadda uu u leeyahay kubadda cagta iyada oo Chamberlain uu bartiisa Instagram-ka soo dhigay sawir uu kula jiro Justin.


Dhanka kale Justin ayaa Mesut Ozil kula dabaal-degay makhaayadda Swanky Signor Sassi Restaurant, ee ku taala magaaladda London xilli uu u dabaal-degayay dhalashadiisa 28-aad.

Bieber ayaa qorsheynaya inuu socdaal ku maro magaalooyinka Birmingham, Manchester, Sheffield iyo Glasgow kahor inta aanu u gudbin qaarada Yurub.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Madaxweynaha Faransiiska Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday – “Karim Benzema Ma Aha Tusaale Wanaagsan”

RASMI: Luka Modric Oo Heshiis Cusub U Saxeexay Kooxdiisa Real Madrid

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: