Henderson Oo Qarka u Saaran Inuu Heshiis 5 Sanno ah Qallinka Ku Duugo

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Liverpool, Jordan Henderson ayaa qarka u saaran inuu qallinka ku duugo heshiis uu todobaadkii ku qaadan doono aduun dhan £100,000, muddo shan sanno ah uu naadiga kula joogayo.

Xidigii hore ee kooxda Sunderland ayaa la rajaynayaa inuu qandaraaskaas todobaadkan soo afjaro, sidaasna ku soo gunaanadmo wadahadal mudo dhawr bilood ah soo socday.Jordan Henderson 1

Laacibka xulka England ayaa Liverpool kaga soo biiray kooxda lagu naanayso bisadaha Madow ‘Black Cats’ sanadii 2011 kii, kaas oo ku kacay lacag dhan £20m.

Iyadoo uu dhamaadka xili ciyaareedkan Steven Gerrard kooxda uga wareegayo horyaalka Maraykanka iyo naadiga LA Galaxy, laacibkan 24 jirka ah ayaa kamid ah xidigaha lagu xoojinayo khadka dhexe ee naadiga qorshaha ugu jira.

Kabtan xigeen Henderson, oo heshiiska uu naadiga kula joogaa dhacayo dhamaadka xili ciyaareedkan, ayaa u dhaliyey todoba gool, 55 ciyaarood oo uu naadiga iyo xulkaba u saftay hirdanka sanadkan.

Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.

Bayern Munich v FC Porto: Milicsiga is-araggii hore iyo dhacdooyinka cusub – Video

Man City waxba meesha kuma hayso – Hart

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com