HESHIISKII QARNIGA: Zlatan Ibrahimovic, Ciyaartoyga Cusub Ee Arsenal

Kooxda kubadda Cagta Arsenal ayaa farxaddii ugu weynayd gacanta ku dhigtay markii suuqa iibka ay ka heshay warka sheegaya in laacibka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic uu ogolaaday inuu yimaaddo London.

Waxay jamaahiirta u ahayd riyo, laakiin umay suurtogelin inay si dhab ah u arkaan halyeyga reer Sweden oo xidhan funaanadda qiimaha badan ee Gunners.

Sannadkii 2000, tababarihii hore ee Arsenal, Arsene Wenger ayaa ku casuumay Ibrahimovic oo ay da’diisu yarayd inuu la kulmo ciyaaryahannadii waaweynaa ee Arsenal ee wakhtigaas, waxaana markii uu kulanku dhacay lagu maamuusay funaanad ay dhabarka kaga qoran tahay 9, waxaana ay laacibiintii wakhtigaas, tababaraha iyo jamaahiirta kooxduba.

Waxa uu tababaruhu ka codsaday inuu qayb ka noqdo Arsenal, isla markaana uu wakhti kooban oo tijaabo ah uu maalintaas la qaato, waanay u dhacday sidii uu doonayey oo wuxuu la qaatay wakhtigii tababarka, hase yeeshee arrinta riyada ahayd ee ah inuu si rasmi ah uga mid noqdo Gunners ayaan marnaba u suurtogelin.

Bal qiyaas, Arsenal oo uu u ciyaarayo Zlatan Ibrahimovic sannadihii ay guulaha xidhiidhka ah gaadhayeen ee illaa haddana taariikhda ugu jira ee 2002-03, waxay ahaan lahayd arrin quruxoon.

Ibrahimovic ayaa garoonka soo galay isagoo xidhan funaanadda Arsenal, waxaana dhinacyada ka taagnaa markii uu gudaha soo dhigay lugtiisa ciyaaryahannada kooxda oo ay ugu horreeyeen Henry, Berkamp, Ashley Cole iyo kuwo kale.

Si kaastaba ha ahaatee, marar badan ayuu Wenger isku dayey inuu Arsenal keeno Zlatan Ibrahimovic hase yeeshee way ku hungoobeen.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.