3:03 pm - Thursday August 23, 9088

Honda: “Dhaliishu ima farxad galiso balse……”

Aidarous

Keisuke Honda ayaa hoosta ka xarriiqay in aanay wax saamayn ah ku yeelanin dhaleecaynta taageerayaasha tiiyoo uu qoray inuu Seedorf adeegsado”falsafad duwan” qaab ciyaareed ahaan. Laacibkan caalamiga ah ee reer Japan ayaa u warramay warsidaha Talyaaniga ah ee La Gazzetta dello Sport isagoo ka hadlay waxa uu kala kulmay Milan iyo sida uu ula qabsanayo “Dhaliishu ima farxad gelinayso, dabcan, balse xor baad u tihiin inaad qortaan wixii aad doontaan. Waxaan dareensanahay inaan goolkaygii 1-aad ee Serie A aan dhowaantan dhalin doono, weliba mid muhim ah. Way iga go’aan tahay inaan meeshan xiddig ka noqdo waase jid-dheer, balse Japanese-ku waa dad dulqaad badan” ayuu yidhi Honda .

Honda ayaa waxaa mararka qaar kaydiya macallin Seedorf, waloow uu ayaamahan kooxda la qabsanayay, si uu u fahmo kubadda xeelaysiga ku dhisan ee Talyaaniga “Badiyaa waan la hadlaa Seedorf, maadaama uu Ingiriisi sax ah ku hadlo, sidaa darteed way noo sahlan tahay inaanu is fahamno, markii aan faahfaahin rabana waan u tagaa oo waanu ka wada hadallaa tafaasiil kasta.” ayuu raaciyay Honda

News Feed
Don't miss the stories followCadalool and let's be smart!
Loading...
4/5 - 1
You need login to vote.
Filed in

Kooxda Meehanaabaysa Ee AC Milan Oo soo bandhigtay Mashruuc ballaadhan

Andrea Pirlo Oo daaha ka qaaday inuu ku dhow yahay heshiis muddo kordhin ah oo la galo kooxdiisa

Related posts
Comments are closed
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
%d bloggers like this: